Warsaxafeed.
Muqdisho 15- October 2023- Maanta oo ay taariikhdu tahay 15- October 2023, waxa uu Madaxweyne Dr. Xassan Sheekh Maxamuud xilkii ka qaaday Guddoomiyhii Jamacadda Umadda Dr Xasan Cumar Mahad-Allah, iyadoo loo magacaabay xilka sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal sida ku cad xeer Madaxweyne LR 144 .
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Jamacadda Umadda Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa faray xafiisyadda Jamacadda in ay la shaqeeyaan sii-hayaha Guddoomiyaha Jamacadda Umadda Dr Xasan Cismaan Gacal .
Ugu dambeeyn, Wasiirka ahna Guddomiyaha Guddiga ayaa u rajeeyey sii-hayaha Guddoomiyaha cusub inuu ku guuleeysto gudashada waajibaadkiisa.
DHAMAAD